Custom Search

WFP cunto ay leedahay oo la iibinayo

Posted by Staff Admin on Jun 16th, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

20050630154329foodaid203

Hayadda Qaramada midoobay ee cuntada WFP ee ka shaqaysa Somaaliya ayaa bilowday baaritaan, kadib markii Telefishinka Britishka uu sii daayay barnaamish laga daawaday jawaano cunto ah oo Galay, Bur iyo Saliid ah oo ay ku qoron tahay caalamada Qaramada midoobay lagu iibinayay suuqa Muqdisho.

Nin ku ganacsada suuqa ayaa barnaamishka u sheegay sida uu cuntada uga soo gatayshaqaalaha WFP, asagoo ku eedeynaya inay u ogolaadeen in
baabuurtooda ay ku rartaan cuntada si xor ah.

Ganacsade kale wuxuu sheegay inuu xero qaxooti oo been been ah samaystay, halkaasoo cunto loo qoondeeyay ka dibna uu gatay.

WFP ayaa beenisay in shaqaalahooda ay kulug leeyihiin, laakiin qabiilo xoog badan ay qaadan karaan gar gaarka.

Hayadda Qaramada Midoobay ee Cuntada WFP ayaa sheegaysa inay cunto siisougu yaraan ila Laba Million oo qof oo Soomaali ah.

Hadaba waxaa arintaasi BBCda kala hadashay afhayeenka WFP Somalia, Maxamud Hassan Guuleed oo uu wariyaha BBCda ee Nayrobi Yusuf Xasan weydiiyey waxa ka jira eedeymaha loo soo jeediyey.

Leave a Reply