Custom Search

Warbaahinta oo digniin loo direy

Posted by Staff Admin on May 28th, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1689Ururka Al-shabaab ayaa ku eedeeyay warbaahinta Muqdisho inay la shaqeyso dowlada Somalia iyo dalalka taageera, waxayna ka dalbadeen wariyeyaashu inay si dhexdhexaadnimo ah uga hadlaan dhacdooyinka Somalia.

Afhayeenka ururkan hubeysan Sh. Cali Max’ud Rage [Dhere] oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho shalay [May 27] ayaa sheegay in warbaahinta qaarkood ay dhaqaale ka helaan xukuumada, taasna ay keentay inay qariyaan runta.

“Waxaan u sheegayaa kuwa sheegta warbaahinta ee inta badan yiraahda waxaan ku shaqeynaa hab dhexdhexaadnimo ah inay dhinac gaar ah la safan yihiin oo waxa ay sheegayaan aan ka run sheegin” ayuu si ay caro ku jirto u yiri Sh. Cali dhere, isagoo intaas raaciyay:

“Tusaale waxaa noogu filan weerarkii madaafiicda ahaa ee maalin ka hor lagu qaaday Madaxtooyada [Villa Somalia] waxaa ku dhintay askar, saxaafaduna waxay sheegtay inay ku dhinteen dad rayid ah, waxa aan diidanahayna waa wararkaas”.

Sarkaalkan, wuxuu sheegay in wixii maanta ka dambeya ay saxaafada ka doonayaan inay ku shaqeyso eex la’aan, isla markaana aan loogu yeeri karin magac aan ahayn midkooda oo ah [Al-xarakatul Al-shabaab Al-Mujaahidiin].

“Idaacadii iyo warbaahintii kale ee aan noogu yeeri karin magaceena waxaan ka codsanaynaa inaysan na sheegin, waayo kuwa sheegta dowlada waxaa loogu yeeraa magacooda iyadoo aad loo buunbuuninayo” ayuu yiri Sh. Cali Dhere.

Dhanka kale, Maamulka Kismaayo oo qayb ka ah Al-shabaab ayaa iyaguna soo saaray amar ah inay isdiiwaangeliyaan dhamaan footooyinka, sawir/fillim-qaadayasha ku sugan degmada Kismaayo, si loola socdo howlahooda.

“Saxaafadu uma shaqeyso sida la doonayo oo ruunta ah, sidaa daraadeed waxaan ka dalbanayna in sawirqadayaasha, footooyin iyo filim qaadayashuba ay iska soo diiwaangeliyaan xafiiska warfaafinta Maamulka Kismaayo” ayuu maanta sheegay C/fitaax Ibraahim Cali ah ku xigeenka xafiiska warfaafinta ee maamulkaas.

Xaflada aroosyada ayaa iyaguna xadidaad lagu sameeyay, iyadoo dadka isguursanaya iyo qoysaskooda lagu wargeliyay inaan ciyaaro loo sameyn karin, sidoo kalena aan gaadiid ka badan sadex lagu galbin karin arooska iyo aroosada.

Source: GAROWE ONLINE

Leave a Reply