Sheekh Cali Maxamuud Raage, oo ah afhayeenka ururka al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay inay magacoodii u bedeleen Xarakatul Al-Mujaahidiin Al-Shabaab.
Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu la yeeshay Yuusuf Garaad, ayuu marka hore wuxuu Shiikh Cali weydiiyay sababta ay u bedeleen magacoodii.
Afhayeenka ayaa waxa uu wareysiga uga hadlayaa hadafka ay u dagaallamayaan iyo weerarkii dhawaan lagu qarxiyay wasiirkii ammaanka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo uu sheegay inay iyaga ka danbeeyeen.
Shiikh Cali Maxamuud Raage waxa uu sheegay in aanay diyaar u ahayn in la wada xaajoodaan dowladda KMG ah, oo uu sheegay in aysan tallo ka go’in.

