Custom Search

Shirka kooxda xiriirka oo la soo afjaray

Posted by Staff Admin on Jun 11th, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

20090609185405cabdirashidfrattiniMagaalada Rome ee waddanka Talyaaniga ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii 15aad ee kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya

Shirkan oo uu shir guddoominayay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla ayaa waxaa uu socday muddo laba maalmood ah.

Shirka oo ay ka qeybgaleen waddamo ururro daneeya arrimaha Soomaaliya, ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo dhibaatada burcad badeedda.

Gabagabadii shirka ayaa war murtiyeed laga soosaaray waxaa lagu cambaareeyay kooxaha mucaaradka ee la dagaallamaya dowladda, iyadoo lagu sheegay in kooxdu taageersan tahay in xalka nabadda Soomaaliya lagu gaaro wada hadal.

Source: BBC

Leave a Reply