complete news service, comprehensive informational website, muslim news, muslims, islam, islamic world, islamic world news, middle east, muslim countries

Shariif oo xukun deg deg ah ku dhawaaqay

Posted by Staff Admin on Jun 22nd, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

_45957910_007512529-1Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in dowladdiisu ay xukun deg deg ah ku soo rogtay waddanka.

Hadalka Madaxweynaha soo baxay maalin uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ka codsatay waddamada deriska ah in ay ciidamo militeri la soo gaaraan muddo 24 saac gudahood ah, si ay gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jiraan mucaaradka.

Go’aankani wuxuu ku soo beegmay iyada oo in ka badan 200 oo mudane oo baarlamaanka ka tirsan iyo dhowr iyo toban Wasiir ay dalka dibadda uga maqan yihiin.

Garyaqaan Caydiid Ilkaxanaf oo ka mid ah mudanayaasha dibadda ku maqan oo isagu jooga London, ayaa Yusuf Garaad telefonka kula hadlay waxaana u weydiiyay waxa loola jeedo xukun deg deg ah?

Source: BBC Somalia

Leave a Reply