complete news service, comprehensive informational website, muslim news, muslims, islam, islamic world, islamic world news, middle east, muslim countries

Shariif oo eedeeyay kuwa dagaallamaya

Posted by Staff Admin on May 25th, 2009 and filed under BBC Somaali. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

shariifkaMadaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho maanta ka sheegay in kooxaha la dagaallamaya dowladdiisa ay doonayaan inay u istcimaalaan Soomaaliya sida Ciraaq iyo Afghanistan.

Madaxweynaha, oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan xaaladda guud ee uu ku sugan yahay dalka, ayaa waxa uu ku eedeeyay kooxaha la dagaallamaya dowladdiisa inay u adeegayaan dano shisheeye.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa shirkiisa jaraa’id uu ku soo beegmay, maalmo kadib markii ay magaaladda Muqdisho dagaallo ba’an ku dhexmareen ciidamada dowladda iyo kooxaha Islaamiyiinta ee mucaaradka ku ah.

BBC Somali


Leave a Reply