complete news service, comprehensive informational website, muslim news, muslims, islam, islamic world, islamic world news, middle east, muslim countries

Shabaab oo diiday xabadjoojin

Posted by Staff Admin on May 15th, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

sheekh-cali-maxamed1

Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Somalia ayaa diiday inuu aqbalo xabada-joojiyo loo soo jeediyay uuna ka qaybgalo wadahadalo ay wado hay’adda culumada Soomaaliyeed, iyadoo la sheegay in ururka Xisbul Islam uu aqbalay xabadjoojin loo soo jeediyay.

Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha ha’yada culumada ayaa warfidiyeenka ugu sheegay Muqdisho in dadaalkooda aysan ka caajisayn, balse saraakiisha Al-shabaab ay diideen inay rasaas joogin aqbalaan.

“Dadaalada nabadeed kama quusanayno, waxaan mahad u jeedinaynaa saraakiisha Xisbul Islam oo ogolaaday xabadjoojin iyo wadahadal, waxaase diidan heshiis kooxda Al-shabaab” ayuu yiri Sh. Bashiir.

Sh. Xuseen Cali Fidow oo dhawaan u hadlay ururka Al-shabaab ayaa ku eedeeyay hay’adaha culumada Soomaaliyeed inay gacan saar la leeyihiin xukuumada, isla markaana aysan dhexdhexaad ahayn.

Dagaalada u dhexeeya mucaaradka ka horjeeda xukuumada iyo ciidamada dowlada ayaa sababay dhimashada dad ka badan 130-qof, iyadoo ay dhaawacmeen 400-qof, kuwaasoo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Inta badan Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haya kooxaha mucaaradka ah, iyadoo saldhiyo badan oo muhim ah lagala wareegay xukuumada Somalia, halkaasoo ay ku sugnaayeen maleeshiyo Islaamiyiin ah oo dowlada gacansaar la leh.

Wasiirka Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ayaa ku hanjabay maanta inay xoog u adeegsan doonaan maalmaha soo socda mucaaradka si ay uga saaraan magaalada oo dhan.

“Xukukumadu waxay maalmaha soo socta dagaal adag la geli doontaa kooxaha diidan nabada iyo diinta Islaamka, kuwaasoo gacanta siinaya shisheeye doonaya inay Somalia ka dhigaan goob colaadeed” ayuu yiri C/raxmaan C/shakur Warsame.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo maanta ay dagan tahay Muqdisho, kadib sideed maalmood oo ay ka socdeen dagaalo xiriir ah oo u dhexeeya mucaaradka iyo ciidamada dowlada.

Source GAROWE ONLINE

Leave a Reply