![]() Roobab geystay khasaare nafeed |
Inta la xaqiijiyay 12-qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay 30-kalena way ku dhaawacmeen roobab xalay ka da’ay magaalada Muqdisho iyo daafaheeda, waxaana ku burburay guryo fara badan.
Toban ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa caruur ay da’adoodu ka hoosayso 10-sano, kuwaasoo u dhintay qabowga roobabka mahiigaanka ahaa iyo guryo ku dumay, waxaana labada qof ee kale ay ahaayeen haween ay daadad qaadeen.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’ed Cismaan Cali [Dhagaxtuur] oo khasaaraha roobabka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka dadka haysta ay yihiin kuwo xoogan, ayna burbureen guryo kuwo kalena ay dadkii uga carareen biyo buuxiyay.
“Markaan kasoo tagno dadka dhintay waxaa ku burburtay roobabkii xalay 43-guri oo intooda badan ay ku yaalaan degmada Boondheere, sidoo kalena waxaa biyo gudaha u galay looga cararay 102-guri” ayuu Dhagaxtuur saxaafada u sheegay.
Haweeney lagu magacaabo Sacdiyo Cali oo ay sadex caruur ah ka dhinteen ayaa sheegtay in caruurteeda ay u dhinteen markii roobabka oo dabeylo wata ay dumiyeen darbiga qolkii ay jiifeen.
“Darbiyada guriga oo dhan way burbureen, waxaana qoys ahaan nooga dhintay 3-cunug oo isku xiray, waxaa sidoo kale dumay dhamaan musqlihii in ka badan 10-guri oo aan daris ahayn, kuwaasoo nagu soo butaacay” ayay tiri Sacdiyo.
Caruurta dhimatay qaarkood ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwo ay dhaleen qoysaskii dhawaan uga cararay Muqdisho dagaalada u dhexeeya dowlada iyo mucaaradkeeda, waxayna haweeney dadkaas ka mid ah sheegay in caruur ay dhashay ay u dhinteen qabowgii roobabkii da’ay oo socday 8-saac oo xiriir ah.
“Dowlada iyo mucaaradka waxaan ka dalbanaynaa inay dagaalada joojiyaan, si aan dib ugu laabano guryaheena, waayo waxaan ku dac-dareysanahay daafaha Magaalada” ayay tiro Hooyo Raxmo Cumar oo qaylinaysay.
Dadka ay dhaawacyadu gaareen ayaa waxay u badan yihiin caruur iyo haween, kuwaasoo qaarkood ay qaadeen daadad ka dhashay roobabka, halka kuwo kalena ay ku dumeen darbiyo.

