Qarax Ismiidaamin oo dilay 10-qof24 May 24, 2009 – 7:29:31 AM |
Ugu yaraan 10-qof oo 6 ka mid ah ay yihiin askarta dowlada ayaa ku dhintay gaari miinaysan oo ku qarxay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo ku yaala xaafada Xamar-jajab, iyadoo qaraxaas laga maqlay inta badan Muqdisho.
Gaariga qarxay oo la sheegay inuu ahaa TOYOTA SURF, waxaana uu qaruxu yimid markii askari ka mid ah kuwii albaabka xeradaas ilaalada ka hayay uu xabad ku dhuftay ninkii gaariga waday kadibna uu gaarigu qarxay.
“Lix askari oo ka mid ah ciidankeena ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee lala beegsaday xeradan, waxaana ku jiray askarigii xabada ku dhuftay ruuxa isqarxiyay iyo dhowr askari oo waardiye ahaa” ayuu yiri Col. Cismaan C/llaahi Cagey oo ka mid ah taliyeyaasha xarada la weeraray oo ku taala kaydkii hore ee shidaalka.
Dadka kale ee dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa ruuxii isqarxiyay, laba qof oo goobta marayay iyo haweeney waayeel ah oo qayb ka mid ah qaraxa uu ugu tagay gurigeeda oo ku yaala agagaarka xerada.
“Sagaal qof oo afar ka mid ah ay yihiin askartii xeradaas ku sugnaa ayaa ku dhaawacmay qaraxa ismiidaaminta ah, midi waxay ahayd haweeney inta kalena rag” ayuu mar kale yiri Col. Cagey.
Wariyeyaal booqday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen qaybo ka mid ah jirka ruuxii qaraxa fuliyay iyo suunkii uu xirnaa oo ay ku tixan yihiin gumacyo loogu talogalay inay qarxaan, balse aan qarxin.
Askartii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la gaarsiiyay Isbitaal ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Adan Adde, iyadoo dhaawacyada qaarkood la sheegay inay yihiin halis.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fitaax Shaaweye oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qaraxaas ay ka dambeyso kooxda Al-shabaab, looguna talogalay in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.
“Ruuxa qaraxa fuliyay wuxuu ahaa ruux cadaan ah oo aan dalka u dhalan” ayuu yiri Shaaweeye oo sheegay inay hayaan cadeymo ku aadan arintaas, ayna saxaafada u soo bandhigyaan markii uu dhamaado baaritaano ay wadaan.
Qaraxan ayaa kusoo beegmay xili ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhaceen Muqdisho dagaalo u dhexeeya mucaaradka iyo dowlada, kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac gaartay dad badan oo rayid ah.
Garowe Online

