complete news service, comprehensive informational website, muslim news, muslims, islam, islamic world, islamic world news, middle east, muslim countries

Obama oo tegaya Bariga Dhexe

Posted by Staff Admin on Jun 2nd, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

barack_obama2Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanku uu kari doono in uu dib u soo nooleeyo wadaxaajood dhab ah oo dhex mara Israel iyo falastiiniyiinta.

Isaga oo u ambabaxaya Bariga Dhexe, ayuu Madaxweyne Obama sheegay in Mareykanku ku dhaqaaqi doono wax kasta oo uu awoodo si loo helo xal ku salaysan laba dal oo isdhinac yaalla, waa Israel iyo Falastiin.

Taas waxay dani ugu jirtaa ayuu yiri, falastiiniyiinta, Israel iyo Mareykanka.

Markii la weydiiyay arrinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dalka Masar, Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in kaalintii Mareykanku aanay ahayn in ay dadka cashar siiso ee ay tahay in dhiirri geliso isla markaana uu Mareykanku ku dhaqmo wax lagu dayan karo.

Waana sababtaas ayuu yiri waxa muhiim ka dhigay in la xiro xabsiga Guantanamo.

Madaxweynaha Mareykanku wuxuu goostay in uu BBC-da la hadlo ka hor inta aanuu u socdaalin Bariga Dhexe.

Weriyaha BBC-da ee Washington, Justin Webb, oo isagu wareysiga la yeeshay Madaxweyne Obama, ayaa ku tilmaamay in sababta uu Madaxweynuhu u door biday BBC-du ay tahay in ay gaari karto meelo ay Mareykanku dhib ku qabaan in ay gaaraan.

BBC Soomali

Leave a Reply