Obama oo khudbad ka jeediyay Qaahira
xiriir cusub oo uu la yeesho.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo lugtiisii labaad ee booqashadiisa bariga dhexe ku joogaa magaalada Qaahira.
Waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Masar Husni Mubarak .
Markii uu yimid madaxweyne Obama magaalada Qaahira waxaa si aan horey oo arkin loo adkeeyay amaanka jidka isku xira garoonka diyaaradaha iyo Qasriga Qubba, halkaasi oo horey u ahaan jirtay gurigii uu degenaan jiray Boqorkii Masar ee Faaruuq.
Jidadka ayaa gabi ahaan la faaruqiyay, marka laga reebo boqolaal ciidamo ah oo la dhigay dhinacyada jidadka.
Waxaa dhismaha qasriga Quba ku sugayay dhigiisa waddanka Masar.
Waxaana labada Madaxweyne ay wada hadlayeen ilaa muddo soddon daqiiqo ah, oo ay ka hadleen arrinta Falastiin iyo Israel.
Madaxweyne Obama ayaa markii uu ku jiray ololada doorashada waxyaabaha uu balanqaaday waxaa ka mid ahaa inuu soo celin doono xiriir wanaagsan oo dhexmara Mareykanka iyo Dunida Muslimka.
Waxa uu xilligaasi sheegay in khudab dheer uu dunida Muslimka uga jeedin doono caasimad waddan Muslim ah, Waxaana Madaxweyne Obama uu ka dhabeeyay maanta balanqaadkaasi uu sameeyay xilligii uu ololaha ku jiray.
Maxay khudbadani soo kordhineysaa, maxay kaga duwan tahay kuwii hore ee uu uga hadlay xiriirka Mareykanka iyo dunida Muslimka, oo ay ka mid ahayd tii uu jeediyay markii la caleemo saarayay Bishii January
Source: BBC Somaali
