Madaxwaynaha Masar, Hosni Mubarak, ayaa sheegay in baaqa ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu in Falastiiniyiintu aqoonsadaan Israel wadan Yuhuuddu leedahay uu baab’iyay fursadaha nabadda ee jiray.
Mr Mubarack, ayaa ka jawaabayay hadalka Netanyahu uu Axaddii jeediyay oo uu ku xusay wadan Falastiin leedahay markii ugu horaysay.
Hase yeeshee, shuruudo ayuu raaciyay aqoonsiga Israel sida wadan Yuhuud iyo in wadanka Falastiin yeelan karin Military.
Wuxuu kaloo sheegay in aan xal loo heli karin dhibaatada qaxootiga Falastiiniyiinta marka laga reebo meelaha aan ahayn wadanka Israel.
Maraykanka iyo midowga Europe, ayaa sheegay in hadalkan uu u taagan yahay tallaabo loo qaaday jihada saxa ah, balse dhamaan kooxaha Falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay dharbaaxo culus oo lala helay dadaalka nabadda.
Hadalka, ayaa waxaa jawaabo la mid ah ka soo saaray Falastiiniyiinta Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo xeryaha qaxootiga Lubnaan, taasoo dhalisay wax lagu tilmaamay isku soo dhowaansho Falastiiniyiinta ah oo ku saabsan xaaladaha wadan Falastiin yeelato.
Magaalada Ramallah, ayaa Falastiiniyiintu ay sheegeen in ra’iisul wasaaraha Israel aysan dhab ka ahayn nabadda.
Source: BBC Somali
