6dii April,1960 Golaha la tashiga sharci dejinta Maxmiyadu wuxuu go’aamiyay in degdeg loo helo gobanimo iyo madaxbaani buuxda wuxuuna ogoladay in 12 Abril 1960 la aas-aaso ciidanka difaca dalka waxaan taliye looga dhigay General Daa’uud Cabdulle Xirsi waxaan abaanduulaha Ciidanka Difaaca Soomaliya loo magacaabay G/Sare Maxamed Siyaad Barre
Ciidankaas waxaa loo bixiyay ciidaanka xooga dalka soomaliyeed waxaana loo magacaabay saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dablay laga soo ururiyay ciidanka Nabadgelyada gudaha ee Bulayska ( Police ) iyo 2000 oo ahaa ciidamo cusub oo la qoray ( xiiraneyaal).
16-25kii Abriil 1960 waxaa muqdisho ka soconaayey shirar ay ku kulmaayeen siyaasiyiinta Maxlmiyada iyo kuwii maamulka Daakhilga ee Talyaaniga ka socday qaramada midoobay sidii ay meel ikula dhigi lahaayeen midaynta labada gobol Woqooyi iyo Koonfur waxayna ku heshiiyeen qodobadan hoos ku qoran.
1. Waa in Maxmiyada Britain iyo maamulka daakhilaga ee Talyanigu ka midoobaan, taas oo noqonaysa 1da July 1960 iyadoo la raacayo codsiga ogolaanshaha labada gole ee sharci dejinta Qaranka.
2. Axsaabta labada gole ee Sharci dejinta, waa in ay noqdaan kuwo midaysan oo ka kooban 90 (Koonfurta) + 33 ( Woqooyiga) = 133 xubnood
3. Golaha sharci dejinta cusub waa inay iska soo dhexdoortaan Mudanaha noqon lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya
4. Axsaabta labada gole ee talada haya waa inay soo dhistaan xukuumad wadaag ah oo ay u wada dhanyihiin
5. Magaallo madaxda jamhuuriyada Soomaliya waa inay noqoto Magaalada Muqdsho isla markaana ay ahaato Xarunta Sharci dejinta iyo Xukuumada dhexe
6. Lixda Gobol ee Koonfureed iyo labad gobol ee Woqooyiga waa inay si wada jira u noqdaan dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya ayn u qaybsan yihiin sideed gobol oo kala ahaa:-
A) . Gobolka Banaadir
b) . Gobolka Jubbada Hoose
t) . Gobolka Jubbada sare
J) . Gobolka Hiiraan
x) . Gobolka Mudug
kh). Gobolka Bari
d) . Gobolka Woqooyi Galbeed
r) . Gobolka Togdheer
7. Guddi gaara oo ka talo bixisa dhibaatooyinka ka iman kara Midaynta maamulka, maaliyada iyo sharciga axdi qarameedka
8. Xukuumda cusub waa inay sii wadaa xiriidhka ay la leedahay dawladaha shisheeyaha xoriyada ka hor ayna raadiso sidii ay u qoran lahayd aqoonyahano iyo farsamo yaqano shisheeye ama ay ka dalbato qaramada midoobay, taas oo ujeedadeedu tahay sidii loo idlayn lahaa midaynta loona xoojin lahaa midaynta labad gobol
9. Ciidanka Qaranka ee Cusub waa inuu ka koobnadaa isku darka ciidamada Maxmiyada Ingriiska (Scouts) Iyo ciidanka Xooga dalka Soomaalia ee maamulka si loo dhiso Gaashaandhig cudud leh oo difaaca ciida iyo calanka jamhuuriyada Soomaaliya lana qoro ciidan cusub
10. Maamulka Wasaayada Talyaaniga waa in ay soo dirtaan goob jooge uga qayb gala shirka dastuuriga ee Maxmiyada Ingiiska (Gobolada Woqooyi ) ee lagu qaban doono London Bisha shanaad ( Maajo ) 1960
Shirkii maxmiyada Ingriiksa (British Somaliland ) iyo Boqortooyada Ingriiska 1960
Wada xaajood iyo wada tashi badan ka dib waxaa shir weyn isugu yimid Wufuud iyo ergooyin ka kala socda maxmiyada Ingriisksa ee Gobollada Woqooyi iyo Boqortooyada Ingriiska kaas oo socday 2-12kii May,1960 shirkaas oo lagu ansaxiyay in Maxmiyada Ingriisku Qaadato Gobanimadooda 26Jun,1960, si ay ula midoowdo maamulka Daakhiliga ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo gobanimadooda qaadanaya 1da July,1960
ergadii ug qayb gashay maxmiyada Ingriiska iyo Gumaysiga ingriisku ee woqooyiga waxay kala ahayeen
1. Axmed Xaaji Ducaale
Wasiirka Wasaarada Khayraadka Dabiiciga
2. Cali Garaad Jaamac
Wasiirka Wasaarada Iyo Isgaarsiinta Iyo Hawlaha Guud
3. Xaaji Ibraahim Nuur
Wasiirka Wasaarada Arimaha Bulshada
4. Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal
Wasiirka Wasaaradaha Dawladaha Dhexe
5. Macleod
Wasiirka Gumaysiga Ee Dalka Ingiiska
6. Douglas Hall
Gudoomiyaha Mustacmarada Ingriiska Ee Somaliland
Wasiisrkii Gumaysiga Ingriiska Mr: Macloed wuxuu akhriyay bayaan iyo mawqifka Boqortooyada Ingriisku ka gaadhay kaas oo khuseeya Midaynta Labada gobol British Somaliland iyo Italian Somaliland wuxuuna cadeeyay in Boqortooyada Ingriisku iyadoo tixgalinaysa Siyaasada ku wajahan British Somaliland iyo iyadoo tixgalinaysa go’aankii uu horey ee u gaadhay golaha sharci dejinta ee Somaliland bishii abriil ,1960 ee ku saabsanaa inay xoriyadeda ay qaadato 26ka Juun,1960,ay raali ka yihiin Midowga British Somaliland ay la midoobayso midowga soomaalida koonfureed 1da July 1960, waxaa kaluu hor dhigay aqalka baarlamanka ingriiska Go’aankii cadaynaayay kaas oo ahaa sidan hoos ku xusan:
1. in la abaalmariyo hawlwadeenadii ka shaqayanayay dhulka uu gumaysto Ingriiska
2. inay sii joogaan hawlwadeenadii maxmiyada Ingriisku qaarkood hanashada gobanimada ka dib
3. In saraakiisha ciidamada Ingriisku ( Scouts ) ay muddo lix bilood aha sii wadan doonaan shaqadooda xorriyada ka dib, si ay u kaalmeeyaan maamulka cusub ee curadka ah
4. In loo sameeyo dastuur la xidhiidha gumaysiya ingriiska
5. In la nidaamiyo mas’aladda ku qotonta jinsiyadda iyo waddaniyada. sobobtoo ah dadkani way ka hoos baxayaan maxmiyada Ingriiska wixii ka dambeeya 26da jun 1960, sidaas datreed waa in Dawlada Ingriisku damaanda qaado wixii ku saabsan warqadaha dalkumarka (Passports) inta lagu jiro xamaan kala guurashada.
6.In la siiyo deeq Maaliyadeed oo dhan £1,500,000 oo Pound lacagtan badhkeed oo wax lagaga qaban doono horuumatinta dalka
Nuurka iyo iftiinka ka soo baxay shirkaas waxaa ka biyo diiday Boqorkii Ethiopia Heile Selase kana muujiyay cadho aad u badan wuxuuna fadhi dedega isugu yeedhay Safaaradihii Joogay Addis-ababa ee u fadhiyay Wadamada. UK, Midowga Soofiyeet ( USSR) Masar. Yugoslavia iyo France wuxuuna u gudbiyay dacwad cabasho ah oo uu ku miijinayo in Ethiopia ay aad uga xuntahay midaynta labad gobol. isla markaana adhaxda la jabiyay rabitaankii Ethiopia ay doonaysay inay la midwdo Woqooyiga Soomaaliya iyadoo wadamada reer Europe ay edeg bad xidheena ku oodeen malyuumadka masiixiyiinta ah ee Ethiopia badii Ethiopia ay gacanta u gesheen qawmiyad Islaama oo ah cadowga Masiixiyiinta caalamka iyo Ethiopia .
Isku Darkii Labada Gobol
26kii Jun,1960, Magaala Hargaysa Waxaa lagu qabtay xafladii Gobanimad Gobollada Woqooyi halkan waxaa lagu saaray Calankii Qaranka Soomaaliyeed ee Buluuga ah oo , kaas oo midabka Buluugu u taagnyahay 10kii sanndaood ee Xukunka daakhilga ee calanka Qaramada Midoobay , xidigta oo matalaysa Shanta Gobol ee Soomaaliweyn cadaanka xidigta oo u dhigan nabad iyo caano. wuxuuna dusha ka maray calankii gumaysiga Ingiiska habeenkii saqdii dhexe waxaana Hargaysa ka babanaay calan ummadoo dhami ay raali ka ahaayeen. waxaana wacdaro ka dhigay Abwaan Cabdilahai Suldaan Timo cade,Illahay naxariistii Jano haka waraabiyo .. Kana siib kana saar……
Hanashadii Gobanimada Jamhuuriyada Soomaaliya
1da July 1960,waa Afar maalmood ka dib waxaa gobanimadii qaatay koonfurka Soomaaliya waxaan saqdii dhexe loo dabaaldegay Midanimadii Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka mid noqotay Bulshada Caalmaka ee xorta ah lehna xuduud iyo xeer dastuuriya oo waafaqsan sharciga caalamiga iyo kan gobolkaba waxaana ka soo qayb galay xafladaas 70 dal oo lagu soo dhowweyay 114 madfac oo ka turjumaysa 114ka suuradood ee Quraanka kariimka ah, waxaana halkaa qudbad dheer ka akhriyay wasiirkii gumaysiga talyaaniga Mr: Singor Gronchi.
Wuxuun yidhi waxaa sharat weyn ii ah inaan ku dhawaaqo ,wakhtigan wixii ka dambeeya ay Soomaalia tahay dawlad xor ah oo madaxbanaan, waxaanan qirayaa in ay Soomaali ku tashan karto saaxiibtinimda iyo taageerad xukuumda Talyaaniga iyo shacabkeeda.
Waxaa kaloo isaguna hadal ka jeediyay munaasibda farxada habeenkan ergayga gaarka ah ee Boqortooyada Ingriiska uga qayb galay munaasibadan xukun wareejinta ah Mr: Jonh Profuno wuxuuna halkaa ka akhriyay dhambaal uu ka siday Boqorada Ingriiska oo loogu talo galay in 26 Juun, 1960 wuxuuna yidhi anniga ,Xukuumdayda iyo dadweynaha ingriiska waxaan idin rajaynayaa bash-bash iyo barwaaqo maalinta wayn ee madaxbanaanida, xidhiidhka dalkeenuna wuxuu soo jiray 130 sannadood waxaana rajaynaynaa inuu sii waaro, gabo gabadii xafladaas waxaa ka hadlay Madaxweynihii ugu horeeyay eee Jamhuuriyada Soomaaliya Aaden Cabdulle Cusmaan ( Aaden Cade ) oo u mahad naqay dhamaan dadkii ka soo qayb galay munaasibadaas.waxaa kaloo ka qayb qaatay ergooyin ka socda 70 dal oo goob joog ahaa Maalintii xorriyada jamhuurida Somaaliya
Gunaanad: Soomalidu waxay ku heshiisay 1960 dano qabiil ee laguma heshiin mustaqbal


shirka hadda lagu wado inuu ka dhaco london somaliland iyo shacabkeedu waxay isku dayi doonaan inay saxaan khaladkii 1960ki kaas oo ay u ilduufeen jacayl ay somaliweyn u qabeen balse hadda sidaas oo kale dib loogu khaldi maayo
ta kale
abwaan hadraawi ayaa laga hayey , nin yidhi sinaan mayno , adna burri sarayntiisa