complete news service, comprehensive informational website, muslim news, muslims, islam, islamic world, islamic world news, middle east, muslim countries

Injineer Caddoow oo lagu dilay Muqdisho

Posted by Staff Admin on Jun 19th, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

20090112051013_45334340_006650675-11Injineer Maxamed Xuseen Caddoow oo xubin ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa wararku ay sheegayaan in lagu dilay dagaal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo galabta ka bilowday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku sii fiday xaafadda Mariino, halkaasi wararku ay sheegayaan in Injineer Caddoow lagu dilay.

Ilaa iyo haatan waxa la ogyahay inay ku dhinteen lix qof, 14 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkan cusub ee Muqdisho ka dhacay.

Shalay ayaa magaalada Beledweyne weerar is qarxin ah oo ka dhacay waxaa lagu dilay Wasiirkii amniga ee dowladda KMG ah Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Addis Ababa Cabdikariim Xuseen faarax.

Dorraad ayaa isna waxaa magaalada Muqdisho dagaal ka dhacay lagu dilay Taliyihii ciidamada booliiska ee dowladda KMG ah u qaabilsanaa magaalada Muqdisho Colonel Cali Saciid.

Source: BBC Somali

Leave a Reply