complete news service, comprehensive informational website, muslim news, muslims, islam, islamic world, islamic world news, middle east, muslim countries

IGAD: Waa in la go’doomiyo al-Shabab

Posted by Staff Admin on May 20th, 2009 and filed under Careers. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

_45800494_chair226ap1Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Urur goboleedka IGAD, oo kulan degdeg ah maanta ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa ugu baaqay in UN-ku go’doomiyo dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee yaryar ee ay gacanta ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.

Wasiirada IGAD ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim tahay si looga hortago in ay hub iyo dagaalyahano ajnabi ah dibedda looga keeno kooxahaasi, si ay ula dagaallamaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sida ay yiraahdeen

Waxaa sidoo kale ay ku baaqeen in QM ay cunaqabateyn saarto dowladda Eritrea, oo ay ku eedeeyeen inay taageereyso kooxaha islaamiyiinta.

Shirkaasi deg dega ah ee maanta ay Wasiiradda arrimaha dibedda ee IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa, waxaa dhinaca Soomaalida dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa Saciid Yusuf Nuur.

Cabdiraxmaan Koronto ayaa telefoonka kula xiriiray oo marka hore weydiiyay maxaa la taaban karaa oo ka soo baxay shir kan aan caadig ahayn ee ay isugu yimaadeen wasiiradda.

Source: BBC Somali

Leave a Reply