Custom Search

Duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho

Posted by Staff Admin on May 23rd, 2009 and filed under BBC Somaali. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

SOMALIA FIGHTINGDuqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho

Madaafiic culus ayaa ku dhacaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasi oo wararku ay sheegayaan inay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

Madaafiicda oo aan la xaqiijin dhinaca ay ka imanayso, ayaa la sheegay inay ku socoto xaafado ka tirsan degmooyinka Hawl-wadaag, Wardhiigleey iyo Boondheere.

Dadka deegaan ayaa u xaqiijiyay BBC in ilaa 12 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacday xaafadda Baar Bakiin ee degmada Hawlwadaag.

Waxaa jira warar sheegaya in madaafiicda ay u muuqdaan kuwo la isku jawaabayo, oo dhinacyada dagaallamaya ee dowladda iyo mucaaradka ay isku tuurayaan.

Isbataallada magaalada Muqdisho ayaa waxa buux dhaafiyay dhaawaca dadka rayidka ah ee rasaastu ay haleeshay.

Source: BBC Somali -  23 May, 2009, 16:15 GMT; 19:15 SGA

Leave a Reply