Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan doonayn in la sameeyo maxkamad Caalami ah oo la saaro kooxaha burcad Badeeda Soomaalida.
Max’ed C/laahi Oomaar wasiirka arimaha dibada DKMG ee Somalia ayaa isagoo ku sugan dalka Maraykanka waxa uu shegay in waxba kama jiraan ay tahay hadalka ku aadan in dowlada Somalia ay codsatay in la furo maxkmad caalamiya oo lagu qaado danbiyada burcad badeeda Somalia.
Xili uu u waramayay warbahinta Muqdisho ayuu xusay in dowlada ku meel gaarka ah aysan isku dayayn arintaasi,oo uu ku tilmaamay mid aan xiligan haboonayn,loona bahanyahay ka fiirsasho intaa ka badan.
“Dowladu waxay codsatay in buracada Somalida lagu maxkamadeeyo dalka aanu jaarka nahay ee Kenya inta laga helayo maxkamad si rasimiya uga shaqysa gudaha Somalia,mustaqbalka dhow”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Oomaar.
Omaar oo ka qayb galaya shir la filayo in uu u furmo kooxda xariirka caalamigaa dalka USA ayaa tibaaxay in ay jiraan dad ku xadgudbay xoriyada biyaha Somalia oo ay buuxaan maraakib kaluumaysi oo sharci daraa.
Mowjadaha ka casan ee burcad badeeda Somalia waa mid si dhab ah u soo jeedisay dareenka wadamo badna oo calamkaa ayada oo iminka laiska kaashanayo xakamaynta amuurtaasi,iyo in la helo Maxkamad caalami ah oo la soo saro burcad badeeda,Kumanan marakiib shi sheeye ayaa dul sabeeynaya biyaha Somalia kuwaas oo il baadsanaya burcad badeeda walina xakamayn dhab ah ma muuqato.