complete news service, comprehensive informational website, muslim news, muslims, islam, islamic world, islamic world news, middle east, muslim countries

Dhalinyaro ka cabanaysa hay’adda MI5 – BBC Soomali

Posted by Staff Admin on May 21st, 2009 and filed under BBC Somaali. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Dhismaha MI5 - BBC Soomaali

Dhismaha MI5 - BBC Soomaali

Lix nin oo dhallinyara Soomaaliyeed ah oo ku nool magaaladan London ayaa ka cabanaya in ay caga jugleyn kala kulmeen ciidanka sirta ee MI5 ee dalkan Britain.

MI5, waa hay’adda sirdoonka gudaha ee dalka Britain.

Dhallinyaradan oo asalkoodu Soomaali yahay, laakiin dhalashadoodu British ay tahay, waxay da’doodu u dhexeysaa

Waxay sheeganayaan in MI5 ay isku dayday in ay ku khasabto in dhallinyaradani ay basaasnimo ugu shaeeyaan.

Waxay dheeganayaan dhallinyaradu, in loogu hanjabay in ay dhibaato la kulmi doonaan, haddii ay diidaan in ay la shaqeeyaan hey’adda sirdoonka.

Warkan oo uu qoray wargeyska the Independent ee ka soo baxa magaaladan London, waxaa uu sheegayaa in dhallinyarada qaarkood uu dhib ka soo gaaray MI5.

Abshir Ahmed, Mohamed Nur, Mohamed Aden, Aydarus Elmi, Mahdi Hashi iyo Abdshir Mohamed waxay sheegeen in ay arrintani baqdin ku dhalisay.

Mid ka mid ah dhallinyarada ayaa BBC-da u sheegay in mid waliba uu arrintan qarsaday oo baqdini ku dhalatay, laakiin markii mid ka mid ahi uu sheegay in inta kalena ay soo bandhigeen.

Wuxuu kale oo sheegay in uu u dacwooday booliiska iyo mudanaha baarlamaanka ee xaafaddooda laga soo doorto

Leave a Reply