Dagaalo iyo qaraxyo ayaa ka dhacay gudaha gobollada Banadir iyo Shabellaha Dhexe iyadoo dagaalaasi ay u dhexeeyaan ciidamo taageersan Dowlada KMG ah iyo Xoogaga Al Shabaab.
Hoobiyeyaal lala beegsaday xarunta Villa Somalia ayaa ku dhacay xaafado u dhow Madaxtooyada iyadoo inta la ogyahay ay ku dhimatay ilaa 7 qof oo shan ka mid ah ay yihin rayid halka laba kale ay ahaayeen askar.
Ciidamada Dowlada oo ku jawaabay madaafiic ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 7 ruux oo ay ka mid yihiin ragii weeraray Madaxtooyada.
Dhanka kale, dagaal ayaa galabta [May26] ka dhacay Degmada Mahaday ee Gobolka Sh/Dhexe.
Gudoomiyihii Maxakimta Islaamka oo hore looga qabsaday Jowhar Sh. Dahir Caddow Calasow ayaa sheegay in Maxakiimta ay guulo ka gaareen dagaalkii isagoo sheegin wax khasaaro ah.
Laakinse Sh. C/raxman Xasan Xuseen oo ah madaxa Al Shabaab ee Gobolka ayaa sheegay inay dileen 5 ka mid ah ciidamadii Maxakiimta Islaamka oona ay ka qabsadeen hal gaari tekniko ah.
Source: GAROWE ONLINE
