Dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho
Dhinacyada ku lug leh dagaalka ee dowladda ku meelgaarka ah iyo xoogaga ka soo horjeeda, ayaa guulo ka kala sheeganaya dagaalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandi, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladdu ay go’aansatay in ay difaacdo dadkeeda, sidaa darteedna ay bilowday howlgal amniga lagu sugayo.
Wuxuu xuso in howlgalkan uu socon doono inta laga gaarayo ujeedada laga leeyahay.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka, oo ay ciidamada dowladu hadda joogaan goobo aysan horay u joogin oo cusub.
Dhinaca kale, afhayeenka Xisbul Islaam, Muuse Arale, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada dowladda ku meelgaarka oo saaka weerar ballaaran soo qaaday ay iska caabiyeen, ayna dib uga saareen goobihii ay saaka soo galeen.
Source: BBC Somali