Cumar C/rashid: ‘Waxaa u diyaargarownay dagaal’
22 May 22, 2009 – 11:43:46 PM
Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay sheegay in dowladiisu ay dagaal la galayso kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda, kuwaasoo wada dagaalo ay ku majo-xaabinayaan xukuumada jirta.
Sharma’arke wuxuu sheegay in kooxaha dagaalka kula jira dowlada aysan doonayn nabad ka dhalata Somalia, isagoo ku sheegay waxa ay yaqaanaan dagaal, xukuumadiisuna ay u diyaargarowday.
“Al-shabaab ma lahan wax ajande siyaasadeed ah, waxayna wataan dagaalyahano shisheeye ah, si ay dalkan uga dhigaan mid aan ka bixin fowdo iyo rabshado, inaguna waxaan balanqaadnay inaan dagaal la galno” ayuu yiri Sharma’arke oo wareysi siiyay Reuters.
Ra’iisul wasaaraha Somalia oo markii la magacaabay [Feb 2009] sheegay inuu kooxaha dowlada ka horjeeda sida Al-shabaab ku wajahayo nabad iyo wadahadal, ayaa markaan u muuqda mid u xuubsiibtay inuu Somalia ku xaliyo xabad iyo dagaal.
“Ma filayo inay jiraan fursado kale oo lagula fariisan karo mucaaradka, si looga hadlo waxa la isku hayo, waxa keliya ee aan fahmayno waa inay doonayaan dagaal, waxaana diyaar u nahay inaan ciribtirno” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somaila.
Cumar C/rashiid, wuxuu sheegay in ciidamada dowladu ay eryanayaan 300-dagaalyahano shisheeye ah, kuwaasoo ka barbar dagaalamayay Al-shabaab, balse haatan dibada uga baxay magaalada Muqdisho.
“Shabaab iyo dagaalyahanada ajnabiga ah ee caawinaya dagaalkoodu ma ahan mid ujeedo leh, magaalo ayay tagayaan wayna ka baxayaan; dagaalkooduna waa mid ku saleysan ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq, waxay burburiyaan magaaladii ay tagaan, dadkana way argagax-geliyaan” ayuu yiri Shar’amarke hadalkiisa dabodhigay.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay dadka ugu hanjabaan dil, hadii ay taageeraan xukuumada, taasoo uu ku sheegay inaysan dadku awood u lahayn inay taageeraan dowladooda.
“Waxaan weli la yaabanahay sababta mucaaradku ay u wadaan dagaalada aan ujeedada lahayn… waxay ku guuldareystaan inay gobol si dhab ah u joogaan… kooxahaas waxay carqaladeeyaan maamulada Islaamiga ah, hadana waxay sheeganayaan Islaam” ayuu carabka ku adkeeyay Sharma’arke.
Kooxda Al-shabaab ayaa gacanta ku haysa inta badan Gobolada koonfureed ee Somalia, iyagoo sugay amaanka deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxayna dadka deegaanadaas ku fuliyaan sharciga Islaamka, markii lagu helo dambi.
Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid, wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Eritrea Issias Afawerki inuu hubeynayo kooxaha mucaaradka ah ee dowladiisa ka horjeeda, iyadoo IGAD ay shalay cunoqabateyn saartay Al-shabaab iyo Eritrea.
“Waxaan haynaa xaqiiqooyin dhab ah in Eritrea ay taageero buuxda oo hub iyo dhaqaale ah siiso kooxaha argagaxisada ah ee dowladeena ka horjeeda, dariiq ahaana loo istimcaalo, taasna waa wax laga murugoodo” ayuu yiri Sharma’arke.
Dowlada Eritrea ayaa horaantii bishan iska fogeysay eedeymaha loosoo jeediyay ee ah inay hubeynayso mucaaradka Somalia; iyadoo UN-ka iyo Mareykanku ay sidoo kale ku eedeeyeen inay hurinayso dagaalada ka socda Somalia.
GAROWE ONLINE + Wakaaladaha
