Ilaa labaatan kun dad gaaraya, ayaa ka barakacay dagaalada ku sii fidaya goobo cusub oo ka mid ah magaalada Muqdisho.Wararka naga soo gaaray, ayaa sheegaya in dad aan horay uga cararin guryahooda xilliyadii hore ee dagaaladu ay soo mareen Muqdisho, ay haatan ku qasbanaadeen in ay dagaalada ka cararaan.
Xaafadaha ay maanta dadku ka barakacayaan, waxaa ka mid ah Boondheere, Shibis iyo qaybo ka mid ah Kaaraan.
Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwo ka soo horjeeda oo ay ugu horayso Al-Shabaab, ayaa uga sii daray dhibaatada haysatay dadka rayidka ah oo qaar badan oo ka mid ah ay nolol maalmeedkooda uu ku xirnaa suuqyada iyo in ay ku tiirsanaadaan dad kale.
Waxaan la qiyaasi karin inta uu sii socon karo dagaalka, iyadoo ay dhici karto in uu sababo barakac kale oo ka dhaca goobaha wali degan ee magaalada Muqdisho.

That may seem excellent though i am just still less than certain that I like it. Anyway will look more into it and choose personally!